Kadeedkii Xamar Iyo Kalaguur - Cali M Cabdigiir (Caliganay) - Libros - Createspace Independent Publishing Platf - 9781729673454 - 5 de noviembre de 2018
En caso de que portada y título no coincidan, el título será el correcto

Kadeedkii Xamar Iyo Kalaguur

Precio
$ 15,49
sin IVA

Pedido desde almacén remoto

Entrega prevista 17 de jun. - 6 de jul.
Añadir a tu lista de deseos de iMusic

Bikaacada buugga Soomaalidu ma laha dhaqan xusuusqor mana jiraan-amaba waa dhif-iyo-naadir maqal-muqaal laga duubay kufsigii, dhacii iyo dilkii la geysatay muddada dagaalka sokeeye-meel ahaan, Xamar haba ugu darraatee. Fadhiidnimadaas awgeed, xataa dhowr gaboodfale oo tusaale lagu qaato-oo qaarkood nool yihiin maammul kastana laga helayo, garsoorka la lama tiigsan karo. Waxa keli ah oo soo haray waa dhige iyo dhigane la isla doonto oo koox aad u yar go'aansatay in ay adeegsato. Bal iyana aan aragno aragtida bulshadu ka qabto. Uruurinta iyo baahinta dhacdooyinka dagaalka sokeeye, dad baa jecel in aan la taaban oo sidaas lagu halmaamo. Dadka sidaas jecel waxa ay og yihiin gaboodfalkii ka dhacday Xamar haba ugu xumaatee, laga soo bilaabo 1990-gaar ahaan, 1991. Intii samaysay oo qaarkood weli nool yihiin iyo intii ka dambeysay oo kobtii ka sii wadday, ma jecla cidda qorta sheekooyinkaas. Kooxna waa kuwaas lidkooda, oo wax kasta in bannaanka la soo dhigo bay rabtaa. Labodaas kooxood qolo ka duwan baa jirta. Waa sooyaal yahanno iyo inta la aragti ah. Jeclaan iyo nebcaanba, waxa ay og yihiin doorka sooyaalka. Dadku waxa uu ka walaacsan yahay timaaddadu waxa ay la soo hoyan doonto. Hase ahaatee, lama hilaadin karo waxa ay la imaan doonto haddii aan wax laga ogaan waxii hor u dhacay, ama tagtada.

Medios de comunicación Libros     Paperback Book   (Libro con tapa blanda y lomo encolado)
Publicado 5 de noviembre de 2018
ISBN13 9781729673454
Editores Createspace Independent Publishing Platf
Páginas 186
Dimensiones 127 × 203 × 10 mm   ·   190 g
Lengua Somali  

Mas por Cali M Cabdigiir (Caliganay)

Mostrar todo